Wasiir Roobow “Waxaan daryeelnay Xujaydii Soomaliyeed ”

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay gashay kaalinta afaraad, iyada oo la guddoonsiiyay abaal-marinta caalamiga ah ee Labbaytum Award, taas oo ay bixiso Boqortooyada Sucuudiga, gaar ahaan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada.

Abaal-marintan ayaa lagu maamuusaa waddamada si heer sare ah uga shaqeeya daryeelka, hagidda iyo adeegyada ay u fidiyaan muwaadiniintooda inta lagu guda jiro Xajka iyo cibaadooyinka kale ee barakeysan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa si gaar ah u bogaadisay Soomaaliya, iyadoo tilmaantay horumarka laga sameeyay isku-duwidda, diyaar-garowga iyo la-tacaalida baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Xajka u gudbaya.

Waxaa sidoo kale la ammaanay dedaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in Xujeyda Soomaaliyeed ay si nabad ah, sharaf leh, iyo nidaamaysan u gutaan waajibaadkooda cibaado.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga abaalmarintan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed