Wasiir Roobow booqday goobaha lagu daweynayo Xujeyda Soomaaliyeed

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday goobaha lagu daweynayo Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1445 Hijriya xajisay.

Wasiir Roobow ayaa mid-mid u dul-tagay bukaannada Soomaalida ah ee lagu daweynayo goobaha Caafimaadka isaga oo ka xog-dhagaystay Xaaladdooda sida ay tahay sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta Wasaaradda.

Xarumahaan Caafimaadka oo sanadkaan lasoo kordhiyay ayaa loogu talagalay in lagula socdo xaafadaha Xujeyda Soomaaliya si lamid ah Xujeydii kale ee ka kala socotay Dalalka kala duwan ee Caalamka ee sanadkaan noqday martida Alle.

Sababta xaruntaan Caafimaad loosoo kordhiyay ayaa lagu sheegay in sanadkaan uu jiro kul xad-dhaaf ah oo saamayn dhanka Caafimaadka ah ku reebay Martida ku sugan Dalkaas ee u tagtay in ay soo xajiso 1445 Hijriya.

Dhinaca kale, Wasiir Roobow & Xubno katirsan Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Owqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday goobaha la dejiyay Xujeyda Soomaaliyeed ee Magaalada Mina.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed