Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa xalay iska casilay xilka wasiirnimo, waxaana uu noqonayaa Wasiirkii sadexaad ee maalmo gudaheeda iska casila Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Saadaam ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay wado abaabulka qalalaaso colaadeed ay ka hurinayso degaanada Jubaland.
