Wasiir Fiqi oo la kulmay Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Awdal

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wehliyaan siyaasiyiin iyo hoggaaomiyeyaal reer Awdal.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii  hal meel looga soo wada jeedsan lahaa ka hortagga damacia gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed,  sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadka reer Awdal iyo weliba in lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka si middaysan oo aan tafaraaruq lahayn.

Ugu horreyn, Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo Senatorrda ree Awdal ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay u diidan yihiin heshiis kusheegga lagu xalaalaynayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, waxaa ayna xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay difaaca dhulkaasi udub dhexaadka u ah una taagnaa weligiis midnimada dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay waxaa uu uga mahadciyay shacabka reer Awdal dal iyo dobadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, asaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna hordhigay dadaallada dowladda ee maareynta damaca Itoobiya ee ka socota gudaha dalka iyo kuwa heer diblomaasiyadeed, isaga oo ugu dambeyntii hoosta ka xariiqey in dawladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka galeyn wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed