Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay Agaasimaha Build Up

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Build Up Jerry McCann, iyo Madaxa Siyaasadda loo dhanyahay Meghan Brown.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa si looga wada hadlo iskaashiga labada dhinac iyo sida Build Up ay u taageeri karto ujeedooyinka iyo howlaha Wasaaradda  oo ay ka mid tahay aasaasidda Xarun Wadahadalka Qaran. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Sidoo kale kulanka Wasiirka iyo Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay uga wada hadleen; Qodobbada Wadahadalka Qaran ee mudnaanta leh iyo suurtagalnimada ku dhafidda fanka iyo hal-abuurada dhijitaalka ah, dimuqraadiyaynta Soomaaliya ee Guulaha iyo tallaabooyinka xiga ee mudnaanta leh  iyo Qaababka kale ee iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale ugu mahadceliyey madaxdaan, isaga oo xusay in uu xafiiskiis uu xoojin doodan wada shaqeynta madaxdaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed