Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Wasiirka iyo Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe ku soo dhaweeyay Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka JFS ee Uganda iyo madax kale.
Madaxda ayaa ka qeyb galaya shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika oo ay martigalinayso Dowladda Uganda, kaasi oo looga hadli doono horrumarinta Beeraha.
Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa looga hadlayaa istaraatiijiyada shaqo ee Ururka 10-sano ee soo socota 2026- 2035.