Wasiir Fiqi iyo AUSSOM oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire El Hadji Ibrahima Diene ku-xigeenkiisa Mouktar Ousman Karie iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM Sareeye Guud Sam Kavuma. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo howlgalka AUSSOM gaar ahaan dhinacyada amniga iyo qorshaha kala-guurka ee lagu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka. Waxaa sidoo kale la isla qaaday dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay AUSSOM taageerada ay si joogto ah u siiyaan ciidamada qalabka sida iyo doorka ay ka qaataan sugidda amniga iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyo Al-Shabaab. Wuxuu xusay in taageeradaas ay qeyb weyn ka tahay guulaha ciidanka Qaranka ka gaareen dagaallada socda.

Ciidamada AUSSOM ayaa si firfircoon uga qeyb qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyagoo ka qeyb qaatay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay ka mid ahayd qabashada magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose taas oo ahayd guul muhiim u ah ciidamada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed