Wasiir Farataag oo la ciiday caruurta Agoonta ah ee Booliska Soomaliya

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta la Ciiday Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo ku ciidayay Beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada Ciida ee Caruurta Agoonta Boliiska waxaa Wasiirka iyo Taliyaha ku weyhliyay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil Kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Caruuta agoonta Boliiska oo uu la Ciiday ugu Hambalyeeyay Caruurta Maalintan Ciida ah ee dhamaan looga dabaaldagay Dunida islaamka gaar ahaan dalka, waxa uuna Allaha weydiisatay in Ciidan Ciideeda kale Nabad iyo Barwaaqo Nagu Gaarsiiyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed