Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa Cawa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta Puntland.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland,Gudoomiye Ku-xigeenka Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP , madaxda Warbaahinta gobolka Bari iyo Wariyayaal.
Waxyaabaha kulanka ugu mihiimsana ee laga hadlay ayaa waxa aka mid ahaa Mahadcelinta doorka muhiimka ah ee ay warbaahintu ka qaadatay Hawlgalka ‘’HILLAAC’’ iyo Tebinta joogtada muddadi uusocday,
2. Wada-shaqeynta Wasaaradda iyo warbaahinta si loo mideeyo fariimaha muhiimka ah ee bulshada la gaarsiinayo,
3. Isticmaalka xafiiska cusub ee loogu talagalay warbaahinta gudaha xarunta Wasaaradda,
4. Udiyaar-garowga qaybta warbaahinta ee hawlgalka “Onkod” oo lagu wajahayo argagixisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmadow.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is xog-waraysi iyo is faham buuxa oo ku aaddan sidii la isugu diyaarin lahaa kaalinta muhiimka ah ee warbaahinta ay ka qaadanayso Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland.











