Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub Hay’adda Qaxootiga Qaranka & Barakacayaasha & guddoomiyhii Xilkaan laga qaaday.
Axmed Xuseen Cilmi ayaa xilka kala wareegay Safiya Xasan Maxamed oo xilkaan dhowaan laga qaaday, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa bogaadiyay Guddoomiyihii hore ee Hay’addaan.
Guddoomiyaha xilka la wareegay ee Axmed Xuseen Cilmi ayaa si kooban u sheegay in uu dardargelin doonno dedaalka lagu dhinac istaagayo dadka tabaabaleysan gaar ahaan Barakacayasha, Qaxootiga Dalka ku sugan & Dadka dib ugu soo laabtay Waddanka.