Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Gobolka Shabeellada Hoose

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan heerarka kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo socdaal shaqo ku gaaray gobolka Shabeellada Hoose.

Socdaalka ayaa ahaa kulan is xog wareysi ah la qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee degmada Marka, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii la isugu xiri lahaa maamulka degmada, Cadaaladda, Amniga  iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeyntooda si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyadda dowlanimda.

Sidoo kale, Waxaa  diiradda la saaray adkaynta nabada iyo isla jirka bulshada si deegaanka loo gaar siiyo horumar waara oo waxtar leh. Bulshada deegaanka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh uga waramay xaaladda degmada, iyaga oo sheegay oo Marka iyo deegaannada hoos yimaada ay amni buuxa heleen kaddib markii laga xoreeyey Al-Shabaab, sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in soo afjarmeen dagaal beeleedyo ay hurin jireen nabad-diidka.

“Heerarka kala duwan ee Dowladda, Federaalka iyo Dowlad goboleedyadaba waxaa ka go’an in ay dhageystaan shacabka qeybihiisa kala duwan si loo xaqiijiyo gaarsiinta adeegyada ay u baahan yihiin”  Ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed