Wariye Jamaal Maxamed Cusmaan oo laga musaafuriyay Garowe

Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo ka tirsan telefishinka caalamiga ah ee Channel4 ee laga leeyahay dalka Uk, ayaa laga musaafuriyay Garowe, kaddib markii uu shalay kasoo dagay islamarkaan ay qabteen Hay’addaha amniga .

Hay’adaha amniga Puntland ayaa illaa iyo shalay su’aalo weydiinayay, waxaana ugu damayn maanta lagu amray inuu dib ugu laabto dalka Ethiopia oo  waayahan uu ku sugnaa.

Inkastoo dib looga celiyay Garowe, haddana weriyaha ayaa markii hore ogolaansho ka helay wasaaradda warfaafinta Puntland, si uu Garowe u yimaada, isagoo usoo bandhigay qorshahiisa.

Waa markii labaad oo weriye Jamaal Cusmaan laga tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee sannadkii 2022 ayaa laga musaafuriyay magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay weriye u janjeera dhinaca Alshabaab, islamarkaana wuxuu marar kala duwan si dad ban kooxda Alshabaab uga taageeray baraha bulshada.

Wuxuu marar kala duwan safar ku tagay Jilib  isagoo aaminsan inay Shabaab dalka xukumidoonaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed