Wafdi Xildhibaano iyo Senataro ka Kooban oo gaaray Magaalada Jowhar

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan ayaa garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayay Wasiir hore, Xildhibaan Maxamed Abuukar Ducaalle.
Wafdigan ayaa isugu jiray Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS waxana ay u soo gaareen magaalada Jowhar ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle.
Intaas kaddib wafdiga oo loo galbiyay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.
Dhinacyada ayaa qaatay kula is xog-wareysi oo looga hadlaayay horumarada, nabadda iyo wadajirka Hirshabeelle.
“Waan ku faraxsanahay inaad kasoo jawaabtaan casuumaadeyda oo isugu jirtay inaad nagala qeybgashaan furitaanka Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle iyo inaan is xog-wareysano.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u mahadceliyay mudanayaasha iyo marwooyinka labada aqal waxana uu ku boogaadiyay sida ay marwalba uga go’an tahay Hirshabeelle oo horumarta.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed