Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM, Rosemary A. DiCarlo ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo in ay kulamo la yeelato Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Kulan horudhac ah ayay la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo ku simaha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, James Swan.
“Waxa ay ka wada hadleen dib u bilaabista shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 26-ka October” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee QM ayaa isku soo hadal qaaday howlgalka kala guurka ah ATMIS oo waqti gabogabo ah maraya.
Wafdigaan ay hoggaamineyso Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM ayaa kulan la leh madaxda sare ee dalka, iyaga oo ka wada hadli doona xaaladda guud ee dalka sida arrimaha amniga, siyaasadda iyo bixitaanka Howlgalka ATMIS.