Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ee Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka, hawlgallada hadda socda eek a dhanka ah Al-shabaab, iyo dadaallada lagu mideynayo; iyada oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay kaalinta ay dowlad goballeedyada ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Al-shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu ayaa isku raacay in gogosho lagu hawlgalo niyadsami iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada.
Kulankaan ayaa la sheegay inuu horudhac u ah baaqii Madaxweynaha, iyada oo maamulgoboleedka Puntland iska diiday in ay soo qaabilaan gogosha halka Jubaland sheegtay in ay soo dhaweynaysan wax kasta oo wadahadal ah.