Venezuela: “Trump wuxuu wadaa hanjabaaddii gumeysiga”

Venezuela ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu sameeyay “hanjabaad gumeysi” ka dib markii uu sheegay inay tahay in hawada dalka ku wareegsan loo tixgeliyo mid xiran.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa hadalka Trump ku tilmaantay “gardarro kale oo xad-dhaaf ah, sharci-darro ah oo aan sabab lahayn oo ka dhan ah dadka Venezuela”.

Maraykanku sharci ahaan ma laha awood uu ku xiro hawada waddan kale, laakiin qoraalka Trump ee internet-ka ayaa keeni kara hubanti la’aan dhanka safarka iyo in ay ka hor istaagto shirkadaha diyaaradaha inay ka hawlgalaan halkaas.

Maraykanku waxa uu dhisme ciidan ka waday dalalka Caribbean-ka, kaas oo ay saraakiishu sheegeen in uu yahay mid lagula dagaallamayo mukhaadaraadka. Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ayaa ku gacan seyray sheegashada Mareykanka ee ah ka ganacsiga daroogada oo uu ku tilmaamay isku day lagu doonayo in xilka looga tuuro.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu ku qoray: “Dhammaan Shirkadaha Diyaaradaha, Duuliyayaasha, Kuwa ka Ganacsada Daroogada, iyo Kuwa Dadka Tahriibiya, fadlan ka fiirsada hawada sare iyo agagaarka VENEZUELA in la xiro dhammaanteed.”

Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsigii BBC-da ee ahaa inay faallo ka bixiyaan.

Hadalka Trump ayaa imaanaya maalmo kadib markii maamulka duulista hawada ee Mareykanka (FAA) uu uga digay shirkadaha diyaaradaha “dhaqdhaqaaqyo ciidan oo sarreeya ee Venezuela iyo nawaaxigeeda”.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Venezuela waxay ku sheegtay in Maraykanku “si kali ah u hakiyay” duullimaadyadii dib u celinta muhaajiriinta ee toddobaadlaha ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed