Ururka MAP oo tababar ka furay magaalada Garowe

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP oo tababar sare u furay maamulka xarumaha warbaahinta Puntland iyo wariyayaasha.
Tababarkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah, ayaa loofuray 25 kamid ah maamulayaasha, tifaftirayaasha iyo hawlwadeenada xarumaha warbaabinta Puntland ee kusugan magaalada Garoowe, tababarkan ayaa lagu baranaya maamulka warbaahinta.
Furitaanka Tababarkan waxaa goobjoog ahaa oo daahfuray Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ay kala qaybgaleen Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Deperani, Agaasimaha guud ee Wasaaraadda Warfaafinta Maxamed Ciise Cismaan iyo hogaanka Ururka MAP sida Guddoomiyaha Ururka Maxamed Daahir Caynsane iyo Xoghayaha Guud Naciima Muuse.
Guddoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane oo hadal kajeediyey furitaanka tababarka, ayaa faahfaahin kabixiyey muhiimadda uu tababarkan u leeyahay maamulka xarumaha Warbaahinta.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Ciise Cismaan iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo hadalo kajeediyey furitaanka tababarka, ayaa soodhoweeyey tababarkan oo muhiimad weyn u leh warbaahinta qaybna kaqaadan doona xoojinta xiriirka Dawlada iyo Warbaahinta iyo in shacabku helaan xog sugan oo faafreeb la’aan ah.
Ugu danbayn waxaa tababarka si rasmi ah u furay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka ayaa bogaadiyey tababarkan oo ay kasoo qaybghaleen dhamaan maamulka xarumaha warbaahinta ee Puntland intooda ku sugan Garoowe iyo Wariyayaasha khibrada leh.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed