Turkiga oo si adag uga hadlay Hishiiskii Soomaliland iyo Itoobiya

Dowladda Turkish waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay heshiiska ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland ee aan oggolaansho ka heysanin dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay inay taagersan yihiin, kana go’aan tahay midnimada, gobanimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay Dowladda Turkiga sheegtay inay tallaabooyinka noocan oo kale ah loo baahan yahay inay waafaqsanadaan shuruucda caalamiga.

“Xaaladdan oo kale, waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Turkiga wuxuu muhiimad gaar ah siinaya ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed