Turkiga, Masar iyo Jabbuuti oo ka hor yimid aqoonsiga Israa’iil

Shir degdeg ah oo ay khadka taleefanka ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Turkiga, Masar iyo Jabbuuti ayay isku raaceen in lagama maarmaan tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirku socday, wasiirradu waxay si mideysan u muujiyeen diidmadooda tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da ixtiraamka madax-bannaanida dalalka.

Wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in aqoonsiga Somaliland yahay tallaabo halis ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah gaar ahaan Geeska Afrika, isla markaana ay ka go’an tahay afarta dal in ay sii wadaan iskaashiga diblomaasiyadeed si looga hortago faragelin kasta oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli saacado ka hor ay Israa’iil aqoonsatay Maamulka Somaliland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed