Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay in uu “mas’uul iyo hoggaamiye” ka ahaa weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Iiraan 13-kii Juun. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa hadalka Mr. Trump ku tilmaamay “qirasho cad oo muujinaysa masuuliyadda Mareykanka ee ku lug lahaanshaha fal sharci-darro ah iyo jebin weyn oo xeerka caalamiga ah,” isagoo intaas ku daray in Mareykanka “lagu xisaabtamo oo lagaga qaado mas’uuliyad.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay intii lagu jiray casho Aqalka Cad loogu sameeyay madaxda dalalka Bartamaha Aasiya in Iiraan ay dalbatay in laga qaado cunaqabataynta culus ee Mareykanku saaray, isla markaana uu diyaar u yahay inuu arrintaas laga wada hadlo.
Donald Trump ayaa saxaafadda uga warramay xafiiskiisa Oval Office isagoo sheegay in uu ahaa “kan si buuxda u maamulayay” markii Israa’iil ay weerartay Iiraan. Wuxuu weerarka Israa’iil ku tilmaamay “mid aad u xoog badan,” wuxuuna sheegay in khasaaraha weerarkii ugu horreeyay uu ahaa “ka badan intii ay keeneen weerarradii xigay.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa fariin uu ku qoray barta bulshada ee X ku sheegay in “qirashadan ay tahay caddeyn aan la dafiri karin oo muujinaysa ku lug lahaanshaha tooska ah iyo ka qeyb-qaadashada Mareykanka ee gardarrada Israa’iil ku qaaday Iiraan, isla markaana ay tahay aqbalid cad oo Mareykanku ku qirayo mas’uuliyaddiisa fal sharci-darro ah iyo jebin weyn oo xeerka caalamiga ah.” Mr. Baghaei wuxuu ugu baaqay in “Mareykanka lagula xisaabtamo falkaas.”
Iiraan waxay horey u sheegtay dhowr jeer in weerarka Israa’iil uu ahaa mid si buuxda ula jaanqaaday saraakiisha Mareykanka.
Qoraalka Baghaei wuxuu tixraacayaa hadalladii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio, kaasoo bishii Juun ee sanadkan sheegay kadib weerarkii Israa’iil ku qaaday Iiraan in weerarka Israa’iil uu ahaa “fal madax-bannaan” isla markaana uu yiri “annagu [Mareykanka] qayb kuma lihin weerarrada lagu qaadayo Iiraan.”
Waqtigaas, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu bayaan ku sheegay: “Caawa, Israa’iil waxay qaaday fal madax-bannaan oo ka dhan ah Iiraan. Annagu kuma lug lihin weerarrada ka dhanka ah Iiraan, mudnaanta ugu weynna waa ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka.” Mr. Rubio wuxuu sidoo kale uga digay Iiraan inay ka fogaato weerarro ay ku qaaddo bartilmaameedyada iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Mr. Baghaei wuxuu qoray in hadda, Mr. Trump oo qirtay in “anigu si buuxda ayaan mas’uul uga ahaa,” uu daaha ka rogay beentii Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda, isla markaana si toos ah u qirtay in Washington ay ahayd cidda hagaysay hawlgalkan tan iyo bilowgii.

