Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo kulan af-fur ah ku qabtay Aqalka Cad ayaa bogaadiyay Muslimiinta Ameerika oo laโaantooda uu sheegay in uusan dib ugu soo noqon lahayn xafiiska maadaama door firfircoon ka qaateen doorashadii ka dhacday Dalkaas.
Donald Trump ayaa sheegay in Bulshada Muslimiinta ee Maraykanka doorkooda Doorashadii dhacday 5tii Nofeembar 2024 uu ahaa mid aan la hilmaami karin, waxa uu bogaadiyay sida wanaagsan iyo hab dhaqankooda la noolaashiyaha dadka kale.
Trump ayaa sheegay in Ameerika ay ka kooban tahay Dad kala diimo ah oo haddana ka dhaxeysa hal dan oo ah in diiradda la saaro muhiimadda uu waddanka u leeyahay taasina ay tahay midda loo baahan yahay sida uu sheegay.
โWaxaa si miisaaman ugu mahadcelinayaa Muslimiinta Maraykanka oo kamid ah Bulshada halkaan ku nool, xaqiiqdii door firfircoon ayay ka qaateen doorashadii 2024, waxa aan wadnaa dedaallada lagu xoojinayo sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yahay ee dhanka naga soo xigaโ Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Sababta Muslimiinta Maraykanka ay u taageereen Donald Trump una niyad-jabisay Joe Biden oo awoodi waayay xitaa in uu kalsooni ka helo naftiisa waa dagaalka Bariga Dhexe oo Maamulkii hore ku qaraqmay sidii badda.