Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laalay shuruucdii ilaalinaysay in la tarxiilo Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool Gobolka Minnesota, waxa uu go’aan ku baahiyay bartiisa xiriirka Bulshada.
Trump ayaa sheegay in Kooxo Soomaali ah ay ‘Argagax’ kawadaa Gobolka Minnesota sidaas awgeed loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin muhiim ah si loo ogaado Balaayiin doollar oo maqan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in dadkaan dib loogu celin doonno halkii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Soomaaliya balse ma sheegin waqtin waqtiga howlgalkaa la sameynayo iyo qaabka uu noqon doonno.
Go’aankaan waxa uu noqonayaa kii ugu adkaa ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka qaato Soomaalida soogalootiga ah ee Dalkiisa ku nool, waxaana uu ku dooday in lagu dhimayo halista kasoo kororotay Gobolka Minnesota.
Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool waxa ay degen yihiin Gobolka Minnesota waana tan keentay in dad badan welwel muujiyaan, dhaqangalka go’aankaan waxa uu Donald Trump u baahan doonnaa taageerro dheeraad ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo sharciga ah.

