Taliyihii Booliska Carmo oo qarax lagu dhaawacay

Taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Carmo ayaa lal eegtay qarax xili uu soo gali rabay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari .

gaariga Taliyaha iyo ciidamo la socday ayaa qaraxu haleelay xili ay marayeen Ex-Kantarool oo ah halka laga soo galo magaalada waxaana ka dhashay dhaawac gaaray taliye Koboc iyo ciidamadiisii la socday.

Goob-joogayaal ku sugan Boosaaso ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar kamid ah shacabkii wadada marayay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxa oo lagu tilmaamay mid xoogganaa.

Ilaa iyo hadda Laamaha Amniga Gobolka Bari kama hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxa islamarkaana weli ma jirto cid mas’uuliyadiisa sheegatay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed