Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Taliye Sanbaloolshe oo soo afjaray khilaaf Siyaasadeed oo ka taagnaa Hiiraan

Taliyaha Hayโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uu wehlinaayo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa ku guuleystay dhex dhexaadin miro dhal ah oo lagu soo afjaray mad madow siyaasadeed oo mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Cabdullaahi Ganeey.

Mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Fedaraalka iyo Siyaasigaan oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la baxay Hiiraan State ayaa salka ku haayay xiriiro qarsoodi ah uu siyaasigaan la sameeyay dowladda Itoobiya oo uu si cad ugu muujiyay garab istaag, iyadoona dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasigaan inuu ka shaqeynaayay waxyaabo lidi ku ah qaranimada dalka.

Taliye Sanbalooshe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay dhameeyeen isaga iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye wixii mad madow ahaa ee dowladda iyo Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa ka dhaxeeyay.

โ€œWaxaa maanta soo afjarnay kulamo mudo soo socday oo ugu dambeyn sababay in deegaankooda dib ugu soo laabtaan walaalkey Siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa oo horay Maxkamadaha dowladda waaran ugu jareen, heshiiskaan waa mid ay og yihiin madaxda ugu sareysa dalka, waana dhameyn doona inta dhiman sida waarankii loo jaray marka aan Xamar tagno aniga iyo Xildhibaan Raaxeeyeโ€ ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye ayaa dhankiisa sheegay iney si weyn u dhibeysay in deegaanadooda ay ka maqnaadaan siyaasi Cabdullaahi Ganey iyo Tiimkiisa, islamarkaana uu ku faraxsan yahay in lasoo gabagabeeyay waxyaabahii keenay mad madowga siyaasadeed.

Ugu dambeyntii Siyaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan Cabdullaahi Ganeey ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan uga garaabayo qaladkii horay dhacay, isagoona balan qaaday inuu taageero buuxda siin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

โ€œWaxaan ku faraxsanahay in Walaalaheyga Taliye Sanbaloolshe iyo Xildhibaan Raaxeeye ay soo afjareen maanta kulamo mudo dheer inoo soo socday oo lagu dhameynayay mad madowgii dowladda Fedaraalka iyo anaga noo dhaxeeyay, sido kale wan u mahadceliya walaalahey, waxaana maanta kadib cadeynaya inaan si buuxdo ula shaqeyn doono dowladdaโ€ ayuu yiri Siyaasi Cabdullaahi Ganey.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed