Mukhtaar Qoryood oo loo yaqaano Gaagaale islamarkaana ka mid ahaa sarakiisha ciidamada Darawiishta Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka ee Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa la xaqiijiyay Geerdiisa saaka ka dib dagaal adag oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kaaxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa buuraha Calmiskaad gobolka Bari.
Geerida Taliyaha ayaa xogteeda mar dhaweyd la helay ka dib dagaalkii shalay markii lagu waayay isaga oo dhaawac ah .
Gaagaale wuxuu ka mid ahaa saraakiisha dhiiran ee dhalinyarada ah ee inta badan ku sugan furimaha dagaalka islamarkaana howlaha ciidamada mudo dheer ku soo jiray.
Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxda Daacish ee ku sugan furimaha dagaalka waxaana dagaaladii shalay iyo maanta ay ahayeen kuwii igu cuslaa ee dhexmara Puntland iyo Daacish kaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Afhayeenka ciidamada Puntland ayaa sheegay in Ajaanib badan ay ku dileen dagaalkaasi kuwo kalena ay ku qabsadeen sida oo kalena ay la wareegen talisyo kala duwan oo Daacish ay ku lahayd buuraleyda gobolka Bari.
majirto Faahfaahin intaas ka baxsan oo dagaalkaasi ay warbaahintu ka heshay balse ilo xog ogaal ah ayaa SBC u sheegay in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawac tiro beel ah uu ka dhashay labada dhinacba .