Taliye Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Shabeelaha Dhexe.

Taliyihii Ururka 3aad ee Daraawiishta Booliiska Soomaaliya ee Gobolka Shabeelaha Dhexe AHUN Labo Xidigle Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo ku magic dheeraa Juuqlaawe ayaa ku geeriyooday dagaal beeleed saakay ka dhacay Deegaanka Xaaji Cali Degmada Cadale.

Juuqlaawe iyo ciidan uu hor-kacayay ayaa ku baxay kala dhexgelista maleeshiyo beeleed ku dagaalamayay Deegaanka Cadale balse waxaa soo gaaray ugu dambayn uu u geeriyooday sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Taliye ku xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in L/Xidigle Cabdulqaadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe uu ahaa qof muhiim ah oo naftiisa ku waayay daminta dagaal beeleedkaas.

“Waxaa saakay naga shahiiday Allah u naxariisto Lx/le Cabdulqadir Maxamed Xaashi “Juuqlaawe” oo ahaa Taliyaha Ururka Darawiishta Boliiska S/Dhexe oo saakay shahiiday asigoo ku howlan kala celinta labo beelood oo dagaal colaad ka dhax qarxay. Lxle Juuqlaawe waxuu ka mid ahaa saraakiisha Darawiishta Boliiska oo dhowrkii isbuuc ku sugnaa deeganada Sh/Dhexe oo ku guuleystay inay demiyaan colaada waxuuna ahaa sarkaal ciidanka uu hoggaminaayay ku kalsooni qabeyn, bulshadana ku nasteen” Gen. Zaki Xuseen.

“Allah u naxariisto Shahiid Lxle Juuqlaawe sida loo jeclaa Allah u jeclaado, siduu dalkiisa ugu adeegay oo naftiis u hibeeyay ha ugu adeegaan malaa’ikta” ayay hadalkeeda kusoo gabagabaysay Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Zakiya Xuseen.

Booliiska Soomaaliya ayaa dhowaan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxa uu u diray ciidamo Booliis ah si ay u kala dhexgalaan Maleeshiyo-beeleed dhowr jeer halkaas ku dagaalamay isla markaana hubka uga dhigaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed