Taliye Asad oo kormeeray qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer uu ugu kuurgalayay amniga Magaaada Muqdisho ku maray qaybo kala duwan oo Caasimadda, waxa uu kulamo la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada & Bulshada Gobolka Banaadir.

Janaraal Asad ayaa Warbixinno kooban ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee ku howlan adkeynta Amniga Magaalada Muqdisho, halka ciidamada uu kula dardaarmay in ay sii wadaan howlgallooda lagu xaqiijinayo nabadgalyada Caasimadda.

Asad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay kordhinta wadashaqaynta Ciidamada ammaanka ee isku dhafka ah iyo Shacabka oo nabadgalyada ka jirta Magaalada Muqdisho ku dhalatay si loo xoojinaya loo baahan yahay in ay sii kordhiyaan.

Habeennadii lasoo dhaafay Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir waxaa ka socday kormeer ay sameynayaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska, Nabadsugidda iyo Booliiska qaabka Militariga u tababaran, waxaana la kordhiyay goobaha lagu hubiyo Gaadiidka & Dadka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed