Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo dhiggiisa Qatar kula kulmay Dalkaas

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo martiqaad ka helay dhiggiisa Qadar ayaa kulan gaar ah oo ay wada qaateen waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka Labada Dal.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahad celiyay dhiggiisa Qatar isaga oo ku amaanay doorka uu ka qaadanayo garab istaagga Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga guud ee Dalka iyo in guullo muhiim ah laga gaaro dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Dhismaha & qalabaynta ciidamada Xoogga Dalka ayuu Dowladda Qadar u sheegay in kaalinteeda looga baahan yahay maadaama ciidamadu horumar muuqda ay sameeyeen muddooyinkii u dambeeyay sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ciidamada Dalka Qadar Sarreeye Guud Salem Bin Ham Al-Aqeel Al-Nabit ayaa si wayn usoo dhoweeyay guulaha ay gaareen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in doorkooda ay ka qaadanayaan.

Qadar waxa ay kamid tahay Dowladaha Carbeed ee xiriirka la wadaaga Soomaaliya, madaxda dalkaas ayaa dhowr jeer waxa ay ballanqaad kala duwan u sameeyeen Soomaaliya waxaana kamid ah mashaariic iyo taageero kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed