Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho tababar uga furay saraakiil ka tirsan Ciidanka

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababar uga furay Sarakiil ka tirsan qaybaha iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Tababarkaan ayaa ah mid lugu baranayo howlaha is ku xirka qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , tasoo lagama maarmaan u ah howlgallada sifeeynta ah ee lagula jiro Al-shabaab.

Taliyaha oo xusay muhiimadda isku xirnaanta talisyada qaybaha iyo Guutoyinka ayaa ku amanay sarakiisha shaqada hufnanta leh ee ay u hayaan ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna faray in ay laba jibaaraan howlaha hortebinta u leh Ciidanka.

Taliska Ciidanka dulka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hor kacayo Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dardar ku  aadan howlaha kala duwan ee Taliska dhulka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed