Taliyaha Booliska DFS oo la kulmay Taliyaha howlgalada gaarka ah Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha howlgalada gaarka ah Mareykanka Colonel David Haskell.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed , la dagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Al- Shabaab iyo arrimo dhawr ah.
Waxa uu balanqaaday Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Maraykanka in ay dhankiisa in door muhiim ah ay ka qaadan doonaan taageerida ciidanka booliska & xasilinta amniga guud ahaan dalka.
Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku amaanay Mareykanka doorkooda taageerada ay siinayaan ciidanka boliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa kulanka ka dib waxa uu ku soo wareejiyay Mr Haskell qaybaha hogganada Taliska booliska Soomaaliyeed iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay soo booqdaan xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka boliiska.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed