Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AktaÅŸ oo ay ka wada hadleen iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadleen, sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, iyada oo si gaar ah diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tayada Booliska Soomaaliya.
Danjire Aktaş ayaa dhankiisa ku sheegay, sida ay uga go’an tahay Turkiga in ay taageerto hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dadaalka ballaaran ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.
Kulankaan ayaa imaanay xilli uu maanta magaalada Muqdisho soo gaaray safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper AktaÅŸ, isaga oo halkaas xafiiska ku qaabilay Taliyaha Booliiska Soomaaliya, iyaga oo kulankooda uu hoosta ka xariiqayo xiriirka xooggan ee labada dal.