Taliyaha Booliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo shir guddoomiyay kulanka Amniga iyo waxqabadka ciidankaan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin doorasho qof iyo cod ah oo Dalka ka dhacda.
Taliye Asad ayaa tilmaamay in Booliiska Soomaaliya oo gudanaya waajibaadka ka saaran adkaynta nabadgalyada in uu fuliyay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga Dalka si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dalka laga qabanayo Doorasho Qof iyo Cod, dadka diidan ama duraya in xiligaan ay dhici karto ayaa doodo ka dhigta in marka hore dib u heshiisiin dhammeystiran la sameeyo lagana shaqeeyo adkeynta amniga.