Tababar loo soo xiray sarakiil ka tirsan ciidamada xooga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta tababar u soo xeray  kuliyadda tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaariyey ee saraakiisha loo diyaariyey Leyli-Sarkaal, ayaa kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan difaaca dalka iyo dagaalka ka dahnka ah Al-shabaab.

“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku booriiyay ciidamada in ay qeyb ka yihiin difaaca dalka, isaga oo kula dardaarmay in ay dhabarka u ritaan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed