Suuqyada Muqdisho oo u xiran Canshuurta ay soo rogtay DFS

Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta u xiran canshuurta ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida ay warbaahinta u  sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan Suuqyadaas.

Ganacsatada ayaa soosaartay go’aan ay ku sheegeen in ay ku dhaqaaqayaan shaqo joojin maanta ka billaabaneysay waxaana muuqda in uu dhaqangalay go’aankooda maadaama ay xireen goobahooda Ganacsiga.

Suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga, Dadkii ku ganacsanayay ayaa horfadhiya oo waxa ay diidan yihiin in ay albaabada furaan, waxa ay ku doodeen in ay doonayaan in la dhageysto tabashada ay qabaan.

Qaarkood waxa ay tilmaameen in markii hore ay cabasho ka ahaayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo lacago ka qaado, waxa ay intaas ku dareen in ay gudbiyeen tabashadooda isla markaana loogu sii daray culeys kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed