Sucuudiga oo hal arin ku taageeray madaxbanaanida Soomaliya

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku soo biirtay dalalka caalamka ee taageeray Midnimada iyo Madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, kaddib xadgudubkii Itoobiya.

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Boqortooyadu si buuxda u garab taagan tahay walaalaheeda Soomaaliyeed.

Warkan ayaa intaasi lasii raaciyay iney Sucuudiga aaminsan tahay in gobannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya loogana dambeeyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhawaan Hishiis dhanka badda ah la gashay Soomaliland taas oo ka dhalatay buuq xoogan oo ka dhan ah Itoobiya,waxaan magaalooyin badan oo ka mid ah Soomaliya ka dhacay dibadbaxyo ka dhan ah Hishiiskaasi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed