Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa fariin loogu diray madaxda golaha wadatashiga Qaranka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho.
SSC Khaatumo ayaa ka codsaday madaxda golaha wadatashiga Qaranka in metelaad ku yeelato shirarka Wadatashiga Qaranka ee lagu casuumo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
โMaamulka SSC-Khaatumo waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran codsiga Maamulka SSC-Khaatumo ee ka qaybgalka Shirarka Golaha Wadatashiga Qaranโ ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka SSC Khaatumo.
Qoraalka kasoo baxay Khaatumo ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha uu goโaan ka gaaro masiirka umadda Soomaaliyeed, islamarkaama Khaatumo ay tahay maamul la aqoonsaday oo dowladda federaalka hoos taga, sidaas darteedna ay doonayaan iney metelaad ku yeeshaan goโaanada kasoo baxa madasha Wadatashiga Qaranka.