SSC Khaatumo oo digniin ka bixisay duulaanka ay wado Somaliland

Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Somaliland ka dib markii ay Somaliland ku dhawaaqday dagaal ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato gobolka Sool.

Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo, Najiib Barkhad Warsame ayaa sheegay in ciidamadoodu ay awood buuxda u leeyihiin inay ka jawaabaan duulaan kasta oo kaga yimaada dhinaca Somaliland.

“Waxaan ballanqaadaynaa Bastooladi hadday xagayaga u soo dhacdo, in Burco mooska celindoono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC-

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada SSC ay ka hortagayaan  hanjabaadaha kaga imaanaya dhanka Somaliland, islamarkaasna ay u diyaar garoobeen sidii ay u difaaci lahaayeen dhulkooda.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Sool oo ay ku jirto degmada Caynaba, ku dhawaad sannad kaddib markii ciidamada Somaliland laga saaray Sool.

Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani oo la socday wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin soo celinta gobolka Sool, taasoo sare u qaaday xiisadda gobolka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed