Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain, Pedro Sánchez, ayaa si adag uga hadlay xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray weerarada ay Mareykanka iyo Israa’iil ku hayaan gobolka, gaar ahaan shacabka iyo dowladda Iiraan.
Pedro Sánchez, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ee sida adag u difaaca xuquuqda dadka reer Falastiin, ayaa digniin culus u diray dhiggiisa dalka Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Sánchez wuxuu sheegay in Netanyahu uu qorsheynayo in dalka Lubnaan uu u geysto burbur iyo masiibo bini-aadanimo oo la mid ah tii uu ka geystay marinka Qaza.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil uu ku dhowaaqay in ciidamadoodu ay qorsheynayaan hawlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan koonfurta Lubnaan, si ay u wiiqaan awoodda kooxda Xisbullah.
Ra’iisul Wasaare Sánchez ayaa sidoo kale soo hadal qaaday saameynta dhaqaale ee dagaalku ku yeeshay dalkiisa, isagoo xusay in shirkadaha dalka Spain ay lumiyeen lacag dhan 116 bilyan oo Yuuro muddo ka yar hal bil.
“Bam kasta oo ku dhaca Bariga Dhexe wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay qoysas badan; caddaalad ma ahan in qof dantiisa gaarka ah darteed gobolka dab u qabadsiiyo,” ayuu yiri Sánchez.
Ugu dambeyntii, Dowladda Spain ayaa lagu soo warramayaa inay isku diyaarinayso inay Baarlamaanka horgeyso qorshe ballaaran oo lagu samatabbixinayo laguna kabayo dhaqaalaha dalkaas ee ay saameeyeen xiisadaha caalamiga ah.

