Soomaliland oo war ka soo saartay xiisada magaalada Ceerigaabo

Xukuumada Somaliland ayaa nabad ugu baaqday bulshada gobolka Sanaag, kadib dagaal ay 5 qof ku dhinteen oo shalay ka dhacay degmada Goof.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa lagu sheegay in kooxo cadaw ku ah bulshadu ay ku hawlanyihiin falaal bulshada layskaga horkeenayo.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Xukuumadu waxay sheegtay in ilaalinaysaa nabadgelyada shacabka, wada noolaashaha bulshada gobolka Sanaag, waxayna ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxa abaabulan, oo ay sheegtay in ay waxyeelaynayaan nabadgelyada guud iyo wada jirka  bulshada gobolka Sanaag.

SSC Khaatumo ayaa dhankeeda xukuumada Somaliland ku eedaysay in ay hurinayso xiisada ka taagan gobolka, iyada oo sheegtay in ciidamada Somaliland ay ku lug lahaayeen dagaalka shalay dhacay, isla markaana ay dad shacab ah oo mudahraadayay laayeen.

Maayarka degmada Goof oo waraysi siiyay Bulsho TV ayaa dhankiisa sheegay in dagaal ku uu dhacay kadib markii ciidamo hubaysani ay dileen nin isla markaana, ay dhaceen geel. Marka laga yimaado is eedaynta labada dhinac ma jiraan ilo madaxbannaan oo ilaa hada laga heli karo xog sugan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed