Soomaaliya oo USAID la saxiixatay heshiis lacageed dhan $68.5 milyan oo ku saabsan kaalmada horumarinta

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga XFS  Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u saxiixeen heshiis deeq horumarineed ah taas  oo ka timid hay’adda USAID.

Hay’adda ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 68.5 Milyan oo Doolar, oo wax looga qabanayo arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan Dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaamul-Wanaagga deegaanada Dowladdu ka xoreysay cadawga Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo isna dhankiisa u mahadceliyay Hey’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taas lamid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta, si looga maarmo kaalmada dibada ka timaada.

Dhanka kale, Catie Lott oo ah madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka tarjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa ay tilmaantay in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalata deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumarka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka magaalooyinka iyo miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aasaasiga ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed