54 sano kadib, Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn 2025-2026, waxaana u bilowday muddo xileedkaan.
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn, Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadka 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa dhamaadka sannadka 2026-ka.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay kamid noqotay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay sanadkii 1960kii.
Booskan ayaa waxa loo doortay bishi June ee sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki,waxaana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.