Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Dahir Osman ayaa khudbad ka jeediyay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay ammaanka badda.
Danjire Abukar ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta bad ammaan ah, sharciyeysan, iyo iskaashi ku dhisan.
“Waxaan ku baaqeynaa in Xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si looga hortago khataraha badda ku wajahan, Kobcinta awoodda dalalka xeebaha leh, gaar ahaan kuwa Afrika iyo lala dagaallamo kalluumaysiga sharci darrada ah” ayuu yiri Danjire Abuukar.
Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ka go’antahay ilaalinta amniga, ganacsiga, iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba.