Soomaaliya iyo Yemen oo xoojinaya xiriirkooda Diblumaasiyadeed

Soomaaliya iyo Yemen ayaa xoojinaya xiriirkooda Diblumaasiyadeed, iyada oo maanta wada hadallo Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka Yemen ee dalkeena.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dal ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Yemen ee Soomaaliya, Mudane Fadl Ali Ahmed Al-Hanak, oo booqasho sharafeed ugu yimid, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu qoto-dheerayn karo xiriirka” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Yemen iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow oo saaxiibtinimo balse, waxaa iskaashigooda ku soo beegmaya xilli Xuutiyiinta la sheegay in ay xiriir dhow la leeyihiin AS iyo Daacish oo ku sugan gudaha dalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed