Soomaalida ku nool mozambique oo wajahaya cabsi daran.

Soomaalida ku nool dalka mozambique ayaa wajahaya cabsi aad u xoogan oo la xariirta noloshooda iyo maalkooda, kadib markii ay sii xoogeysteen rabshado ka socda dalkaas oo ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Rabshadaha ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 21 ruux ku dhinteen tan iyo markii Maxkamadda ugu sareysa ee dalkaas ay ku dhawaaqday  guusha xisbiga talada haya ee Frelimo.

Dadka dhintay ayaa la sheegay iney ku jiraan laba sarkaal oo Boolis ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha Pascoal Ronda oo shir jaraa’id qabtay.

Dibad-baxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ee dalkaasi mozambique ayaa ku andacoonaya in doorashadii dhacday 9-kii Oktoobar ee sanadkaan la musuqmaasuqay.

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka mozambique Venâncio Mondlane oo diidan in looga guuleystay doorashadii dhacday ayaa shaaciyay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka bisha ee socota ee Janaayo 2025-ka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed