Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.
Maxamed Jaamac Gaaxnuug, oo ah wiil daโ yar, ayaa sida la sheegay shidaal isku rusheeyay kadibna dab is qabadsiiyay, markii gabadhii uu jeclaa ay telefoonka ka qaban weyday.
Magaalada Berbera ayaa hore ugu caan baxday qisadii jacaylka ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari), oo ka mid noqday aabbayaasha maansada jacaylka Soomaalida, kadib markii uu jacayl daran u qaaday gabadh la odhan jiray Hodan Cabdulle Walanwal, oo kasoo jeeday qoys isaga dhaqaale ahaan ka jeeb buurnaa badhtamihii 1930-meeyadii.
Cilmi Boodhari, oo ay Soomaalidu ku naanaysto โAabbaha Jacaylka Soomaaliyeedโ, ayaa ugu dambeyn sida la wariyo u dhintay jacayl daran oo uu gabadha u qaaday sannadkii 1941-kii, kadib markii ay u suurtogeliwayday inuu hanto qalbigeeda.
โHarka galay hurdadu way xuntahe hoohay maxa iseexshay, bal in aan habaar qabo maxa Hodan i waydaarshay,โ ayuu ku calaacalay Cilmi Boodhari, ka hor intii aanu la godgalin jacaylka.
Sheekada Gaaxnuug ayaa dadka dib u xasuusisay jacaylkii galaaftay noloshii Boodhari, oo hadda xabaashiisu ku taallo Berbera. Dad badan ayaa leh, โGoobtu waa halkii uu Boodhari ku nafwaayay; wiilkuna waa dhallinyar sidii Boodhariโ ee Berbera iyo jacaylka maxaa ka dhexeeya?.