Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada Somaliland yeesheen oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go’aamo ay kamid yihiin difaaca Somaliland iyo qabashada doorashooyinka.
“Goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa isu soo bahaysatay inay waxyeelleeyaan qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.
Qoraalku waxa uu intaa ku daray in shacbiga Somaliland ay waajib ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Somaliland.
Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash ayaa dhawaan sheegay in SSC Khaatumo ay u baahantahay qayb kamid ah magaalada Ceerigaabo in ay calankeeda ka taagto.
Sidookale, xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Jabuuti ayaa xumaaday, kadib markii ay Jabuuti khatar u aragtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada dhaqdhaqaaqyo kasoo horjeeda Somaliland lagu martiqaaday caasimada Jabuuti.