Somaliland oo war ka soo saartay diyaarad laga celiyay Hargeysa

Hay’adda duulista rayidka Soomaliland ayaa ka hadashay diyaarada laga leeyahay dalka Thailand oo maanta ay dowlada soomaliya ay ka celisay hawadeeda xili ay u socota Magaalada Hargeysa.
War ka soo baxay Soomaliland ayaa lagu sheegay in aysan jirin diyaarad laga leeyahay Thailand oo maanta imanaysay magaalada Hargeysa.
”Hayadda Duuulista iyo Madaarada JSL waxay bulshada la wadaagaysaa in Madaarka Caasimada ee Cigaal iyo Madaarada kale ee dalkuba ay maanta marti galiyeen duulimaadyadii joogtada ahaa.
Waxa kale oo Hayadda Duulista iyo Madaarada JSL ay dadweynaha ogaysiinaysaa inay socdaan shirar muhiim ah oo ku saabsan arimaha Hawada JSL, Goaanada shirarkaasna ay wakhtiga ku haboon bulshada la wadaagi doonto.
Ugu dambayn Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland ama soo kacday oo hawada laga celiyay.
Allaa Mahad leh.
Dowlada Soomaliya ayaa maanta sheegatay in hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Thailand oo u socotay magaalada Hargeysa taas oo ana bixin xogta waxa saaran diyaarada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed