Xukuumada Somaliland oo jawaabaysa eedayntii Wasiir Fiqi ee danjirayaasha shisheeye, ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuquraadiyadeed ee Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Cali Xasan Maxamed โCali Mareexaanโ ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay karahsantahay horumarka Somaliland oo ay xaasidayso sidaa darteedna ay uga xumaatay qoraalkii danjirayaasha caalamiga ah ee ku aadana doorashooyinka Somaliland.
โDowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad, ee aqoonsaday, in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasaxqaadanayaan maahaโ ayuu yidhi Cali Mareexaan.
Wasiirka ayaa dhanka kale, u mahadceliyay shacab badan oo Soomaaliyeed oo ka xumaaday hadalka Wasiir Fiqi, waxa uuna sheegay in dadkii uu maamulayay ay kaga hor yimaadeen hadalka uu ku duray Somaliland iyo danjirayaasha caalamiga ah.
Waxa uu sheegay in madaama oo ay Somaliland samaysay horumar dimuquraadiyadeed oo ay beesha caalanku ka marag kacday, loo baahanyahay in loo aqoonsado dowlad madaxbannaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Fedeeraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladiisu ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami doonto hadalkii ay ka jeediyeen Hargaysa, isaga oo sheegay in qaar kamid ahi ay Somaliland ku tilmaameen โwaddanโ.