Somaliland oo marti galisay dhacdo ugub ku ah dhulka Soomalida

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland waxaa maanta ay marti galisay dhacdo ugub ku ah dhulka Soomaalida iyo geeska Afrika, waxaana markii ugu horreysay hal fadhi lagu qatimayaa Qur’aanka Kariimka, iyada oo 200 dhallinyaro ah laga dhageysanaya Qur’aanka oo dhan.

Dhallinyaradaan oo gaareysa tiradooda 200 ayaa isugu jira 100 wiil iyo 100 gabdhood, waxa ay maanta hal fadhi ku khatimayaan Qur’aanka Kariimka ah, iyada oo ardey kasta uu ka dhegeysanayo hal macallin, taas oo tirada guud ka dhigeysa 400.

Tartankaan ayaa in muddo ah soo socday, waxaana ugu dambeyn isku soo hartay 200 oo arday kuwaas oo maanta khatimada Qur’aanka Kariimka, waxa uu fadhigooda uu qaadandoona 12 saacadood oo xiriir ah, sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah qaban qaabiyaasha tartanka.

Markii ugu horreysay dhacdadaan oo kale waxa ay ka dhacday magaalada Qasa oo bilihii la soo dhaafay uu ka socday duqaymo ay ciidanka Israa’iil u geysanayeen dadka shacabka ee ku nool magaalada, iyada oo ku dhinteen kumaanan iskugu jira caruur iyo haween.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed