Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Somaliland oo ka jawaabtay dekedaha la sheegay in Soomaaliya ay siinayso Maraykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ka jawaabay warbixinta ayaa ku macneeyay tallaabo muujinaysa quus ay dowladda Soomaaliya taagan tahay.

โ€œTani waa isku day quus ah oo aan meel haysan oo ay ku kacday dowladda fashilantay ee Soomaaliya,โ€ ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan. โ€œWaxay muujinaysaa rajiim musuqmaasuq ku dhisan oo naftu kasii baxayso, kaasi oo ku hawlan hawlgal ismiidaamin ah. Mana jirto wax ay ka qaban karaan aqoonsiga soo socda ee Somaliland.โ€

Dhanka kale, Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka, Danjire Bashiir Good, ayaa sheegay in Berbera ay ku taallo dal Soomaaliya jaar la ah, isla markaana aysan dowladda Soomaaliya shaqo ku lahayn. Waxa uu xusay in la meelmariyay xeer dhigaya in Washington si toos ah ula shaqayso Somaliland, sidaa darteedna aan loo baahnayn cid saddexaad.

Danjire Good ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay si joogto ah ula shaqayso Maraykanka, isla markaana labada dhinac ay isla eegayaan sida Maraykanku uga faaโ€™iidaysan karo Berbera. Waxa uu xusay in waftiyo kala dambeeyay oo ka socda AFRICOM ay yimaadeen Berbera si ay u qiimeeyaan xaaladda.

Jariidadda Semafor ayaa sheegtay in ay heshay waraaq uu Madaxweyne Xasan Sheekh kaga codsanayo Maraykanka in uu la wareego dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo saldhigga ciidanka ee Balli-doogle, si Washington looga joojiyo inay aqoonsato Somaliland.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay HOL ayaa beeniyay warbixinta Semafor, iyaga oo ku tilmaamay war aanay waxba ka jirin.

Inkasta oo dowladda Maraykanku ayna weli ka hadal waxa ka jira sheegashada Semafor, haddana Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, J. Peter Pham, oo ka falceliyay warbixinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay samaysay codsi dadka Maraykanka u ekaysiinaya doqmo, maadaama ayna gacanta ku hayn Berbera iyo Boosaaso.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed